Madaxtooyada oo markii ugu horeysay ka hadashay muranka Haamaha

Madaxtooyada ayaa markii ugu horeysay ka hadashay muranka Haamaha, wakhti uu maareeyaha haamaha shidaalka Berbera sheegay in ay dawladda ka go’an tahay wareejinta Kaydka Haamaha Shidaalka Berbera. Maareeye Sheekh Saleebaan waxa uu sheegay in ay gacansatadana ka shubeen lacag gaadhaysa kow iyo toban milyan oo Doollarka Maraykanka ah.

Wareejinta Kaydka Haamaha Shidaalka ayey hore u laaleen Golaha Wakiillada Somaliland Baarlamaanku, ka dibna waxa ay xukuumaddu dib ugu celisay Golaha, kaas oo markii danbe sababay khilaaf ay gacanta iskula tageen Guddoomiye Cirro iyo Ku-Xigeen Baashe, sidaasna ku baaqday oo aan loo codayn.

Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul oo waraysi siiyey wargayska Somaliland today ee ka soo baxa Hargeysa ayaa waxa hadalkiisa ku bilaabay:

“Madaxtooyada waxa ka arrimiya Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo, oo ah hoggaamiye iyo shakhsi noloshiisa intii badnayd u soo huray una hibeeyay ummadda Somaliland ku dhaqan iyo cidda ay ku nooshahay bari ilaa  galbeed. Madaxweynaha waxa saaran masuuliyad ka weyn murankan Haamaha ee aad i waydiisay. Waxa saaraan horumarinta kaabayaasha bulshadu u baahan tahay sidii uu hirgalin lahaa, haddii ay waddooyin tahay, haddii ay biyo soo saar tahay, haddii ay hagaajinta waxbarashada tahay iyo haddii ay maalgalin tahayba. Waxa fiican inay siyaasiyiinta dalkan qaarkood  iyo xisbiyada mucaaridku ka koraan hagardaamaynta aan iyagana waxba u kordhinayn dalkana hantaaqada ku ah ee ay ku kala qaybinayaan ummadda.”

Afhayeenka sidoo kale sheegay in wareejinta Haamaha Shidaalka Berberi la mid tahay kiraynta bakhaarrada dawladda ee Berbera isaga oo ka hadlayna waxa uu yidhi:

“Haamaha Shidaalka wuxuu Madaxweynuhu talada qabtay iyadoo TOTAL haysato, wuxuu u arkay in aanay shacabka iyo dalka dani ugu jirin, haddii maanta sherkadihii waddanka ugu waa weynaa oo Muwaadiniinta ah,oo waliba ka koobaan guud ahaan Jamhuuriyadda Somaliland oo dhan, ay yidhaahdeen waanu maal gashanaanayna  oo halkay maanta joogaan meel ka mugweyn ayaanu ka dhigaynaa, wax khilaaf keena iyo wax qaylo afka la qabsado midna meesha may oolin. Madaxweynuhu ma qaadanaayo Haamaha Shidaalka, cid shishiiye ahna kuma wareejinaayo. Dadka leh waa inay dawladdu gacanta ku hayso waa shakhsiyaadka shacbiga khaldaaya, mar kasta dawladda ayaa gacanta ku haynaysa, markasta dawladda ayaa xafidaysa oo ilaalinaysa, markasta dawladda ayaa masuul ka ah oo maamulaysa, dawladda ayaa muwaadin kasta u damaanad qaadaysa in uu wax ku soo dajin karo kuna shibi karo, Shirkadahani way maal gashanayeen uun, maalgashigu mid dabadeed uun maaha ee muwadiniinta ayaa ugu mudan, waana maandhaydka iyo awooda xukuumadda, in ay hantida dalka kirayn karto ummadana uga faa’iidayn karto. Bakhaarada Injida ee Berbera  ee Xukuumaddu kiraysay ee hadda Tijaartu ku jiraan iyo Haamaha Shidaalku isku mid weeye. Horta marka muran jiray iyo wax qaylo laga muujiyo ma aragto Madaxtooyaddu.”

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland oo waxa laga waydiiyey in ay xukuumaddu xaq u leedahay kiraynta Haamaha sida hantida kale  balse la odhan karo waxa muranka iyo dhaliisha keenay ay tahay in aan la marin habka hantiga dawladda loo kireeyo oo la soo marin guddiga Qandaraasyada iyo siday Madaxtooyaddu u aragto, waxa uu yidhi.

“Horta dalkan cidbaa loo doortay shaqadana waa la kala leeyahay, maaha in aynu noqono ummad suuqa iyo maqaaxiyaha iska xukunta, taasi waxay keenaysa fawdo, haddii Golayaasheenu wixii shaarica ku shaqeeyaan oo sidaa ayaa la yidhi ku  go’aan qaataan. shirkadaha soo codsaday waxay ahaayeen kuwii shidaalka keeni jiray ee ugu waa weynaa, oo xogogaal u ah Haamaha Shidaalka, waana dad muwadiniin ah oo lexejeclo dalka ka hayso, qaabka ay xukuumaddu u qaybisayna waa mid guud ahaan ay  ku dhanyihiin  Gobolada dalku, Guddida Qandaraasyadu waa waax ka mid ah xukuumadda, ninka ku xoqonaaya haduu masuul xisbi yahay iyo hadduu Xildhibaan yahayba waa muran u jeed, hadduu ixtiraam iyo kalsooni mujinaayo waxay ahayd in uu xukuumadda oo dhan ixtiraamo, oo iyadu dalka ka masuulka ah ee waliba waxtarka intaas leeg u qabatay shacbiga, dalkeenu markii ugu horeysay taariikhda dawladihii soo maray oo dhan xukuumadan ayaa isku xidhay magalooyin aan waligood isku xidhmin oo malaayin doolar ku dhistay, in ka badan 70 Riig biyood ayay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo dalka ka qoday,  haday wax qaadanayso ama lunsanayso maxay taas u qaadan wayday, meel mawada galaan musuq-maasuq iyo horumarku, marka dad gaara oo aan dalkan u danayn ayaa waxaas waday oo fawdada guul u haysta, Qaranimada ayaa wax ilaalisa ee qofnimada iyo Qabiilku waxba ma ilaaliyaan waxbana kuma dhawr-maan. Mida xaqiiqda ahina waxa weeye dalkani Beelo walaalo ah wuu ka kooban yahay, dhammaan beelahaasi waxa dhex u ah Qaranimada, meelna mawada galaan Qabiil iyo Qaranimo, beel meel ka xigta beel kale ma jirto nin Madax ah oo meel kamid ah dalka Somaliland loogu hanjabi karaana ma jirto, kuwa waxaas guusha ka dhiganaaya iyo abtirsiinyo loo kala yeelo shacbiga waa qaar tariikhdu xusi doonto. Madaxweyne Silaanyo wuxuu haybada alle ugu barakeeyay isku wadka ummadda oo uu markasta noloshiisa ka shaqaynaayay oo calaamad u ahayd, maha qofku inuu dantiisa hoose dalka dhibaato u soo gaadhsiiyo, dhulkan Somaliland illahay cidda ku dhaqan wuu ku wada abuuray ilaa Qiyaamahana way ku dhaqnaanayaan marka kuwa waxaas wada, haday Xisbiyada Mucaaridka yihiin iyo haday cidda gaar gaar ah yihiinba oo meelo sheeganaysa Guul ku gaadhimayaan, Shacabkuna wuu ogyahay Muqaalka Isbadal ee Madaxweynuhu dalkan ku sameeyay, Maalintii uu Talada Qabtay siday Berberi u eekayd waa la wada garanayaa maantana isbadalka horumar ee ku yimi, haday Madaar tahay, iyo haday Deked tahay iyo haday Magaalada tahayba waa miday shacbigu ogyihiin.”

Ugu danbayntii Afhayeenka madaxtooyada oo la waydiiyay in dhaliishu dhinaca Madaxtooyada tahay oo debecsaan badan oo ka muuqata keentay qaylad lagaga horyimaado wixii maalgashi sheegta ee ay xukuumaddu wado, waxa uu ku jawaabay.

“Maya Madaxweyne Axmed Silaanyo waa masuul haybad iyo dulqaadka waligii u saaxiib ah, waxa qaylada laga maqlaana maaha shacbiga ee waa shakhsiyaadkaas iyo dad kooban oo shar wadayaal ah, kuwaas xukuumaddu maaha qaar ka dabri kara geediga horumarineed ee dalkan ay ka wado waxna ka waydiin mayso, wixii waajibkeeda ahna cidna ka baryimayso xukuumaddu oo way qabsanaysaa waajibka ay ummadda u hayso, bulshada Somaliland  way ogyihiin wixii u dan ah iyo waxay u qabatay Dawladdu.

bandhige@gmail.com