Madaxtooyada oo kulan saddex-geesood ah u qabatay SOLJA, badhasaabada gobollada iyo bahda caddaaladda

Wasiirka Madaxtooyada ayaa kulan saddex-geesood ah u qabtay Badhasaabada Gobollada, SOLJA iyo bahda cadaalada, kulankan oo ahaa mid lagaga doodayey sidii loo yarayn lahaa xadhiga saxaafada, xukuumadda iyo bahda saxaafaduna u yeelan lahaayeen xidhiidh wanaagsan.

Kulanka ka dib ayaa waxa warbaahinta la hadlay Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi, waxaanu yidhi isago ka hadlaya ujeedada kulanka:

“Maanta kulankan qiimaha badan ee halkan ka qabsoomay xarunta madaxtooyadda oo ay runtii soo dalbadeen ururka SOLJA naga codsadeen, waxaan u agaasinay si weyn waxaa halkan maanta isugu yimi Hay’addihii ay shaqadani khusaynaysay gaar ahaan Wasaaradaha arrimaha guddaha, warfaafinta, Badhasaabadii Gobolada, Xeer-ilaaliyihii qaranka iyo Garsoorkii oo gudoomiyihii Maxkamada sare hoggaaminayo, shirku wuxuu ahaa saddex-geesood xukuumadii, ururkii suxufiyiinta Somaliand matelaayey ee SOLJA  iyo Garsoorkii, dulucdiisu waxay ahayd: 1. ururka suxufiyiinta SOLJA cabatinadii ay qabeen in lagu eego laga baaraan dego ay u tirinayeen dhinaca xukuumadda iyo garsoorkaba 2. saxaafadu waxyaalaha iyagana laga tirsanaayo iyo khaladaadka loo tirinaayo dhinacoodana in loo jeediyo, saxaafada madaxa bannaani waa muraayada qaran leeyahay waa waajib xukuumada saaran in la dhiiri geliyo madax-banaanida saxaafada, xukuumaDda Axmed SiilaaNyo gadhwadeenka ka yahay in ay dhawrto xuquuqda suxufiyiinta waxaa naga go’an inaanan suxufiyiinta kula kicin wax cabudhina cabatinaday noo soo jeediyeena si wacan baanu u eegaynaa, arrinta kale ee saarani waxa weeye suxufigu ama saxaaafadu xuquuq bay leedahay waa sax waxa kale oo ay leedahay waajibaad saaran, suxufigu malaha xuquuq aan xad lahayn  waxa weeye xuquuqdiisu meel bay ka bilaabantaa meelna waa ku dhammaataa muwaadiniinta kale ee uu saamaynta ku leeyahay noloshiisa xuquuq buu leeyahay xuquuqdiisuna waxay ka bilaabantaa halka taasi ku dhammaato meelna waa ku dhamaataa waajibaad baa saaran waxaa waajiba iskaashi guud  in qarankeenu si aynu u horumarino waa in xukuumadeena horumarinaa waa in xarumaha gaarka loo leeyahay horumariyaa la haanshaheena gaar ahaaneed waa in saxaafaduna ay horumartaa waxaan ka shaqaynaynaa sidii saxaafada loo kobcin lahaa baahiyahooda loo eegi lahaa aqoontooda loo kordhin lahaa, dhibaatooyinka ugu badan ee xukuumada ay aragtay isha ku hayso  waxaa ka mida saxaafadii madaxa banaanayd oo ay kusoo bateen dad aan aqoon lahayn oo yar yar mihnadii u isticmaalaya si qaloocan.”

Sidoo kale waxa isaguna ka hadlay kulan Guddoomiyaha SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac “Xuuto”, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay:

“Halkan maanta waxaanu ku kulannay xukuumadda, garsoorka iyo saxaafada oo ururka SOLJA uu runtii soo qaban qaabiyey kulankani waxa uu ahaa kulan wayn oo taariikhiya runtii oo aan in muda ah qabsoomin, waxaanu daawo ka yahay dhibaatooyin iyo caqabado fara badan oo ay saxaafadu tirsanaysay in lagu lafa guro sidoo kale bahda garsoorka iyo xukuumaddu lafteedu iyaguna cabashoon ay sugayeen in fursadan oo kale in ay ku soo bandhigaan, waxaanu isla garanay runtii waxyaabihii aanu saxaafad ahaan ka cabanaynay in maanta xukuumaddu u tafaxaydato in la xaliyo, bahda saxaafadana waxa maanta halkan ka soo baxay in eedo farabadan loo soo jeediyo, bahda saxaafaduna in ay ku dhaqanto oo ay ajiibto dhinacooda wixii caqabad kaga imanaya runtii, haday noqoto xukuumadda haday noqoto dadweynaha haday noqoto garsoorka, inta runtii in ay wax ka qabato oo ay wax ka badasho.”

Kulan ayaa noqonay mid ay isku wadaarsadeen SOLJA iyo xukuumaddu cabashooyin badan oo ay kala tabanayeen, hase yeeshee dadku waxay isweydiinayaan in kulankani xal noqondoono dhibaatadda saxaafada ay kala kulanto wakhtiyadda ay gudanayaan waajibaadkooda.

Halkan hoose ka daawo warka kulankan:

bandhige@gmail.com