madaxwaynaha jsl oo shacabka somaliland ka tacsiyadeeyay geerida ku timid marxuum Garyaqaan Jaamac Cilmi Xaashi oo maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa bahda qareenada Somaliland, waxgaradka, waayeelka, qoyska, qaraabada, ehelada, asxaabta iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay alle ha u naxariistee Marxuum Garyaqaan Jaamac Cilmi Xaashi oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 16/11/2019, Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Marxuumka oo ka mid ahaa guddidii samaysay dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, xilalka xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, agaasimihii guud ee wasaaradda cadaalada iyo garsoorka, la taliyihii arrimaha sharciga ee madaxweynaha, ka soo qabtay wakhtigii xukuumaddii madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal “AHU” waxa kale oo uu noqday gudoomiyaha qareenada Somaliland, wakhtigana ahaa la taliyaha Sharciga ee golaha guurtida Somaliland, waxaanu geeriyooday maanta isagoo gudanaaya waajibaadkiisa qaranka.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey aqoonyahan hawl-kara oo ka baxay dalka iyo dadka, door muhiimana ka soo qaatay dib u dhiskii iyo nabadayntii shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, bahda qareenada Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.