madaxwaynaha jsl oo shacabka somaliland ka tacsiyadeeyay geerida ku timid marxuum Suldaan Cumar Xaaji Daahir (Taraydh) oo maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Suldaan Cumar Xaaji Daahir (Taraydh) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 14/11/2019, Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday dhaqameed ka baxay dalka door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.