Madaxwaynaha Taiwan oo Qaabilay Wefti Ka Socday Somaliland

Qore: Boqore Axmed Cabdi

Taipei (Dawan) Madaxwaynaha dalka Taiwan Lai Ching-te ayaa qaabilay wefti culus oo ka socday Jamhuuriyadda Somaliland kuwaasi oo ka qayb galay munaasibada caleema saarka Madaxweynaha Taiwan iyo sidoo kale munaasibada xuska 18 May oo dalkaasi lagu qabtay.

Wefti uu hogaaminayo gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha guurtida Somaliland Mudane Siciid Jaamac Cali, oo ka kooban xubno ka mid ah golaha wakiillada iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibeda iyo safiirka Somaliland ee Taiwan oo safar shaqo ku jooga dalkaasi ayaa ka qayb galay munaasibada 33 guuradii ka soo wareegtay madax-banaanida Somaliland oo lagu qabtay dalkaasi iyo sidoo kale caleemo saarka Madaxwaynaha Taiwan Lai Ching-te.

Weftigan ayaa kulamo la qaatay Madaxwaynaha dalka Taiwan iyo masuuliyiin kale oo ay ka wada hadleen xidhiidhka iskaashi ee ka dhaxeeyay labada dhinac iyo sidii loo sii wanaajin lahaa, loogana dhigi lahaa mid midha dhal ah.

Sidoo kale weftigan ayaa waxa ay bulshada iyo ardayda reer Somaliland ee ku nool dalka Taiwan kala qayb galeen munaasibada 33 guuradii ka soo wareegtay la soo noqoshada madax banaanida Somaliland oo lagu qabtay dalkaasi, waxaanay halkaasi kala hadleen bulshada iyaga oo ugu hambalyeeyay xuska la soo noqoshada madax banaanid ee 18 May.

Weftigan culus ayaa weli ku jira safarkooda shaqo waxaanay kulamo kala duwan la qaadanayaan masuuliyiinta dalkaasi, waxaana xooga la saarayaa sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka labada dhinac iyo iskaashiga ka dhexeeya.

Gebo-gabadii xidhiidhka adag ee Somaliland iyo Taiwan ayaa waxa uu dhisan yahay muddo afar sanno ah, waxaana labada dhinac u qabsoomay guulo la taaban karo, wefiganina waxa uu ka mid yahay xidhiidhka sii koraya ee u dhexeeya Somaliland iyo Taiwan, kaasi oo lagu xaqiijinayo is taageerada labada dal.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com