Madaxwayne Putin Oo Sheegay In Mustaqbalka Ruushku Uu Ku Xiran Yahay Dagaalka Ukraine

Madaxweynah Ruushka oo khudbad ka jeedinayey maalinta Dhoolatuska milateri ee lagu xusayo guushii Soviet-ka ee Nazi-ga Jarmalka ayaa yiriโ€Ma jiraan hadda wax ka muhiimsan dadaalka dagaal ee aad ku jirtaan,โ€ Dhoolatuska sanadkan ayaa hoos loo dhigay ammaanka dartii.

Mr Putin ayaa sidoo kale khudbadiisa u adeegsaday in uu u qiil dayo duulaanka uu ku qaaday dalka Ukraine isaga oo dhanka kale ku eedeeyay โ€œmadaxda reer galbeedkaโ€ inay hurinayaan colaado.

Isagoo la hadlayay ciidamada ka dagaalamaya Ukraine โ€“ oo qaarkood ay joogeen dhoolatuska โ€“ Mr Putin ayaa sheegay in โ€œdagaal dhab ahโ€ lagu soo qaaday Ruushka. Xaqiiqduse waxay tahay in Ruushka uu ahaa kii kusoo duulay Ukraine.

โ€œAmniga dalka ee maanta adinkaa ayuu idin saaranyahay, mustaqbalka dawladnimadeenna iyo dadkeennu adinka ayuu idinku xiranyahay ,โ€ ayuu ku yiri Mr Putin .

Bandhige@gmail.com