Madaxwaynnaha Jsl Oo Ka Hadlay Dablay Dhawaan Isku Urursatay Buurta Gacan Libaax

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay dablaydii dhawaan isku urursatay buurta Gacan-libaax ayaa sheegay in aanay wax dhibaato ahi dhici doonin.

Waxaanu yidhi.”Anuu waxan aaminsanahay in aanay wax dhibaato ahi dhacayn, oo aanay kabadnayn xafiiltan siyaasadeed oo marka doorasho la galayo isla leh”

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dablayda buurta joogtaa aanu xaalkoodu ahayn sida warbaahintu uga waramayso.
Waxaanu yidhi. “Sida ay idaacaduhu u dhigayaan xashaakallah, umad dhan oo dagaalamaysa oo waxa usoo jeedaa ma jirto, anaa taa idinka balan qaadaya”.

Waxa uu sheegay in jabhadaha la sheegayo baraha bulashadu ay buun buuninayan, isla markaana ay tahay in dadku aanay kala shakiyin oo aanay istuhmin, waxa uu sheegay in doorashooyinku ay si nabadgalyo ah u dhici doonaan.

Madaxweynuhu saraakiil ka socday xisbiyada mucaaradka oo goobta fadhiyay ayuu u sheegay in ay ogolyihiin mucaaradadooda, isla markaana aanay cabudhin doonin.
Waxaanu yidhi. “Cabdiqaadir waa ogolnahay intii mucaaradada ahayd, intii KULMIYE uun ha dhaafina”

Muranka doorashooyinka ayaa wali ka taagan Somaliland, isla markaana waxa wali laga warsugayaa halka uu xisbiga WADDANI iska taagi doono jadwalkii doorashada ee dhawaan soo baxay, halka UCID uu ku kala jabay, xukuumadda iyo ururaduna u sacabo tumeen.