Madaxweynaha Ayrland waxa uu qasriga madaxtooyada ku qaabilay Madaxweyne Siilaanyo

Madaxweynaha Ayrland Michael D Higgins oo uu Wehelinayo Taliyaha Guud ee Ciidamada Ayrland Vice Admiral Mark Mellet (DSM) ayaa maanta qasriga madaxtooyada ku qaabilay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” iyo Weftigii uu hoggaaminayey oo booqasho ku jooga Ayrland.

Madaxweynaha Waddanka Ayrland Michael Higgins ayaa tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay booqashada Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo weftigiisu ku yimaadeen Ayrland, waxaana uu tilmaamay in xidhiidh hore oo soo jireen ahaa uu u dhaxeeyo labada Waddan iyo labada ummadood, waxaana uu uu sheegay in Ayrland uu diyaar u ahay in Somaliland uu la yeesho xidhiidh cusub, kana caawiyo wax kasta oo suurto galin kara sii xoojinta horumarka iyo nabad-gelyada ka hanaqaaday Somaliland.

Sidoo kale waxa uu Madaxweynaha ku ammaanay tariikhda hoggaamineed iyo dadaalkiisa shakhsino ee uu kaga qayb qaatay dib-udhiska waddan ku yaala goob colaado hadheeyeen. Waxaa isaguna halkaas ka hadlay Taliyaha Guud ee Ciidamada Ayrland oo ay wehelinaayeen saraakiisha u sarraysa qaybaha Ciidamada Ayrland, waxaana uu sharraxaad ka bixiyay hawlgalada kala duwan ee Ciidamadda Ayrland iyo kaalinta ay kaga jiraan xasilinta nabad-gelyada dunidda isaga oo uu tilmaamay in 16 Waddan oo Caalamka ka mid ah ay joogaan kuna kala sugan yihiin Ciidamadda Ayrland.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” ayaa isaguna si balaadhan u sharraxay taariikhda dheer ee ay soo mareen shacbiga reer Somaliland iyo sida ay uga qayb qaateen xasiloonida Mandaqada Geeska Afrika, waxaana uu Madaxweyne Siilaanyo sheegay in lasoo gaadhay xiligii duniddu ay aqoonsan lahayd madax banaanida Somaliland, isagoo ka codsaday Madaxweynaha dalka Ayrland inay ku dhiiradaan bilaabida talaabadaas oo ah himilada ugu weyn ee shacbiga reer Somaliland sugayaan.

Waxa iyaguna sidoo kale halkaas hadalo ka soo jeediyay Wasiirrada Arrimaha Debadda, Madaxtooyadda, Caafimaadka iyo Warfaafinta.

12064446_10153649189968535_1203902347_n 12071728_10153649124483535_314657209_n

bandhige@gmail.com