Madaxweynaha Burundi oo ku gacan-saydhay qorshe ay wadatay Qaramada Midoobay oo ciidamo Nabad-ilaalineed waddankiisa lagu gayn lahaa

Madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza ayaa ku gacan-saydhay qorshe ciidamo nabad-ilaalineed waddankiisa lagu keeni lahaa, kaas oo ay wateen Qaramada Midoobay.

Xubno ka socday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ku sugnaa Burundi maalmihii u dambeeyey ayaa waxay faro-madhnaan kala soo noqdeem kulamo ay a yeesheen Madaxweyne Nkurunziza.

Qaramada Midoobay ayaa wada dadaalo lagu doonayo in lagu soo afjaro qalalaasaha ka taagan Burundi, taasi oo ay ka mid in marka hore la geeyo ciidamo nabad-ilaalineed, dabadeedna la bilaabo wada-hadalada.

Safiirka Maraykanka ee Qaramada Midoobay Samantha Power oo xubnihii Golaha Ammaanka ee booqday Burundi ayaa u sheegtay warbaahinta mar ay maanta kula hadlaysay Adisababa in ay Midowga Afrika ka wada-hadli doonaan talaabada tan ku xigta ee ay qaadi lahaayeen madaama oo soo jeedintoodii la diiday.

Burundi ayaa waxa laga cabsi qabaa in ay qalaalasaha u isku bedelaan dagaallo qabaa’il kuwaas oo sii hurin doonna colaadda haatan ka taagan.

bandhige@gmail.com