Madaxweynaha Burundi oo xilkii mar saddexaad loo dhaariyay

Madaxweyne Pierre Nkurunziza oo ku guulaystay doorasho muran badan ka dhalisay Burundi ayaa xilka shan sanno soo socota loo dhaariyey.

Xaflada dhaarinta Madaxweyne Pierre Nkurunziza ayaa la shaaciyey laba saacadood in aan la qaban, xaflada dhaarinta ayaa todobaad la soo hor mariyey wakhtigii ay dhici lahayd.

Xaflada dhaarinta Madaxweyne Pierre Nkurunziza ayaanay ka soo qayb galin madaxweynayaal shisheeye, hase yeeshe dawladda Burundi ayaa sheegay in dhowr waddan ka cudur daarteen in aanay wufuud u soo dirin, maadaama oo la badalay wakhtigii loo balansanaa.

Burundi ayaa weli aanay xaaladeedu deganayn ka dib doorashadii murankia dhalisay ee bishii hore, taas oo ay Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ku tilmaameen in aaanay xor iyo cadaalad ahayn.

Laba sarkaal oo sare oo ka tirsanaa dowladda iyo howlwadeeno kale ayaa lagu dilay qalalaasaha Burundi.

Khudbad uu jeediyay Madaxweyne Nkurunziza ayaa waxa uu ballan qaaday in uu ku soo afjari doono qalalaasaha dalka ka taagan muddo laba bilood gudahood ah.

Ku dhowaad 100 qof ayaa ku dhintay rabshadu ka socda waddanka Burundi, in 158,000 waxay u qaxeen waddamada jaarka sida lagu sheegay warbixin Qarama Midoobay soo saartay dhawaan.

Hoos ka akhriso wararkii hore ee Burundi:

Pierre Claver Mbonimpa oo u ololeeya xuquuqda bani’aadamka Burundi ayaa lagu dhaawacay Burundi

Jenaraal ay aad isku dhawaayeen Madaxweynaha Burundi ayaa lagu dilay Bujumbura

Dawladda Maraykanka ayaa dib u eegis ku samaynaysa xidhiidhka iyo mucaawinooyinka ay siiso Burundi

Burundi waxa ka socda codayntii goor la maqlayo qaraxyo iyo xabbado

Hogaamiyeyaasha mucaaridka Burundi waxay qaaddaceen doorashada Madaxtooyada

Madaweynaha Burundi ayaa sheegay in doorashadda madaxtooyadu qabsoomi doonto wakhtigeedii iyadoo ay muraacidkuna qaadaceen

Yoweri Museveni ayaa ka ambabaxay dalka Burundi iyada oo aan wax heshiis ah laga gaadhin wadahadaladii u dhexeeyey xukuumadda iyo mucaaridka

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay rabshado hor leh oo ka bilaabma Burundi

Xukuumadaha Bariga Afrika waxay Burundi ka dalbeen in ay dib u dhigto doorashada madaxtooyada

Furista goobaha cod-bixinta doorashooyinka baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka Burundi oo dib u dhacay

Madaxweyne-Ku-Xigeenkii Burundi oo baxsaday

Burundi oo ku dhawaaqday wakhtiga doorashooyinka iyo mucaaridka oo diiday

Hoggaanka mucaaridka Burundi oo mudaharaadyo ku baaqay iyo dalka oo burbur qarka u saaran

Doorashadii Burundi oo dib loo dhigay

Barack Obama wuxu madaxda Afrika u soo jeediyey in ay kursi-jacaylka ka koraan, xilkana sharaf kaga degaan marka ay muddadu ka dhammaato

11 sarkaal oo bilayska Bujumbura ah ayaa ku dhaawacmay weerar bambo-gacmeed ah

 

bandhige@gmail.com