Madaxweynaha Cusub ee Indonesia oo Wasiirrada ku Tababaraya Xero Ciidan

Madaxweynaha cusub ee Indonesia Prabowo Subianto ayaa jimcihii ku marti qaaday golihiisa wasiirada goob akadeemiyad ciidan oo ku taal buuraha dalkaas oo ay wasiiradu ku labisan yihiin daalka camouflage, ay teendho ku jireen waxaana lagu amray inay socod ku tagaan.
Janaraalkan hore ee Milateriga oo 73 jir ah ayaa Axadii noqday hogaamiyaha dalka afaraad ee ugu dadka badan adduunka, isaga oo ballan qaaday inuu xoojin doono difaaca Indonesia iyo la dagaalanka musuqmaasuqa. Prabowo, oo lagu eedeeyay in uu ku xad-gudbay xuquuqda Insaanka xilliguu uu la shaqaynayey kaligii taliyihii Suharto dabayaaqadii 1990-meeyadii, ayaa amar ku bixiyay in wasiirada cusub ee uu magacaabay in ay iska xaadiriyaan Magelang, oo ku yaalla buuraleyda gobolka dhexe ee Java-da, si uu ugu tababaro qorshihiisa isuna bartaan ka hor inta aanu hoggaamin dowladda soo socota.
“Hawlku wuxuu ku bilaabmay jimicsi wadajir ah, oo ay hogaaminayaan macalimiin ka socda akadeemiyada milatariga ee Magelang, 30 daqiiqo ka dib, ajandaha wuxuu sii socday tababarka socodka,” ayuu yidhi afhayeenka madaxweynaha Hasan Nasbi.
“Waxa la yaabka leh ayaa ah markii ay xubnaha golaha wasiiradu garoonka yimaadeen, madaxweyne Prabowo Subianto ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee yimaada, madaxweyne Prabowo waxa uu tusaale u soo qaatay hoggaamiye asluub leh.”
Sawirro la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayay Prabowo iyo wasiiradiisa oo ku labisan dharka ciidamada.
“Waa inaan ku dhaqaaqnaa si isku mid ah oo aan isku hadaf nahay, dowladdu kaligeed ma shaqeyso, waa inaan u shaqeynaa koox ahaan,” Prabowo ayaa u sheegay wasiirrada, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dowladda ee Antara.
Erick Thohir, oo ah wasiirka ganacsiga ee dowladda, ahaana guddoomiyihii hore ee kooxda kubadda cagta Inter Milan, ayaa soo bandhigay muuqaallo laga soo duubay akadeemiyada iyo diyaaradii milateri ee siday golaha wasiirrada.
“Waxa lagu baranayaa si loo abuuro isku xidhinaan,” ayuu ku soo qoray Instagram, isaga oo la qoslaya wasiirada kale. Raffi Ahmad oo caan ka ah Indonesia, oo lagu dhawaaqay inuu ka mid yahay ergada madaxweynaha Prabowo, ayaa bartiisa Internet-ka oo ay ku xidhan yihiin 76 milyan oo taageere ku sdheegay inuu ku wajahan yahay akadeemiyada militariga halkaas oo madaxweynaha cusub uu doonayo “inuu abuuro wadashaqeyn wanaagsan”.
Kuwa u dooda xuquuqda ayaa walaac ka muujiyay in Prabowo iyo xulafadiisa muhiimka ah sida Wasiirka Difaaca Sjafrie Sjamsoeddin – oo sidoo kale lug ku leh xadgudubyada xuquuqda ee xilligii Suharto – in militarigu door ku yeesho dimoqraadiyadda cilmaaniga ah ee ku dhaqmaan ku dhowaad 280 milyan oo dad ah.
Golaha wasiirada ee Prabowo ayaa ah kuwii ugu badnaa taariikhda Indonesia waa 109 wasiir iyo wasiir ku xigeeno iyo madaxa hay’adaha qaranka waa kuwii ugu balaadhnaa ee soo mara dalka, wuxuuna u kala bixiyey golihiisa wasiirada Casaan iyo Cadaanka, isaga oo tixraacaya midabada calanka Indonesia.
Prabowo oo noqday madaxweynihii sideedaad ee dhaqaalaha ugu wayn Koonfur Bari Aasiya ayaa golihii Wasiirada ee madaxweynihii ka horeeyey, Joko Widodo, waxay ahaayeen 34 wasiir iyo madaxa hay’adaha dawladda.
Prabowo ayaa horay u sheegay in uu u baahan yahay maamul adag, inkasta oo falanqeeyayaasha ay sheegeen in Golihiisa Wasiirada ee “buuran” ay bararayaan maamulka.
Golaha Wasiirada ayaa waxaa kasoo dhexmuuqda siyaasiyiin ka tirsan isbaheysiga todobo xisbi oo taageeray guushii uu ka gaadhay doorashadii Febraayo, iyo shaqsiyaad gacan saar la leh golaha wasiirada ee Widodo, kuwaas oo mar kale loo magacaabay inay shaqadooda sii wataan intii uu madaxweynaha yahay Prabowo. Falanqeeyayaasha ayaa sheegay in tallaabadani ay tahay abaal-marin siyaasadeed oo uu Widodo ku mutaystay taageerada xeeladaysan ee uu doorashada kaga taageeray Prabowo.

 

 

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

bandhige@gmail.com