Madaxweynaha dalka Austria oo raaligelin ka bixiyay jabinta sharciyada lagu xakamaynayo xilliga Kooronaha

Madaxweynaha dalka Austria oo raaligelin ka bixiyay jabinta sharciyada lagu xakamaynayo xilliga Kooronaha

 

Madaxweynaha dalka Austria Alexander Vander Bellen ayaa si rasmiya raali-gelin buuxda uga bixiyay jabinta sharciyada lagu tacaalayo xanuunka Kooranaha, kadib markii uu ku habsaamay hotel uu cunto ka cunayay, isaga oo  dhaafay xilliyada rasmiga ee loo qabtay in la fadhiyo hudheelada oo 11:00 habeenimo ugu dambayso xilliga la xidhayo, waxaanu jabiyay sharciga isagoo si fadhiyay goobta ilaa amminta saacaddu ahayd 12:18 ee habeenimo, waxaanay boolisku caddeeyeen in uu Madaxweynuhu ka mid yahay dadka sharciga jabiyay,  iyagoo ku xusay warbixintooda baadhitaano ay wadeen in ay ka war heleen si kadis ah Madaxweynaha iyo xaaskiisa oo kamid ah dadka hotel-ka ku daahay, islamarkaana jabiyay sharciga lagula tacaalaayo Corona Virus, sidoo kale boolisku waxay caddeeyeen in ay u gudbiyeen dacwadda ha’ayadaha ku shuqulka leh oo qiimeyn sharci ku samaynayaa jabinta sharciga. Madaxweynuhu si cad ayuu u sheegay in ay khalad ahayd wakhtiga dheeraadka ee ay sii fadhiyeen, waxaanu xusay in ay ahayd markii u horreysay ee hotel yimaaddo, tan iyo intii lagu guda jirey xanibaadihii uu keenay xanuunka Corono Virus, waxaanu uu tilmaamay isagoo ku qoray bartiisa Twitter-ka in uu hilmaamay saacadda, ayna ahayd khalad u galay. Hotelkii uu Madaxweynuhu fadhiyay ayaa laga yaaba in uu waajaho ganaax lacageed oo dhan Soddon Kun oo Euro, kaas oo dhigaya in hotelada ganacsi ee ku xad-gudba sharciga xilliga Koroonaha ay muttaysan karaan ganaxaas lacageed,  waxaanu madaxweynuhu sheegay in uu dusha u ridanayo masuuliyadda xad-gudubka sharci ee uu sameeyay. Austria ayaa soo saartay sharciyo badan oo lagula tacaalaayo xannuunkan, waxaanu noqonaya masuulkii u horreeyay Yurub ee raali-gelin ka bixiya jabinta sharciyada lagula tacaalayo xanuunka faraha ba’an ku haya adduunka ee Corona Virus.

 

Xogta Warka : ORF Vienna

Cabdiraxman faysal