Madaxweynaha Faransiiska oo ka laabtay qorshe muran dhaliyey oo qofkii gala falal argagaxiso ah galo jinsida lagaga noqonayey

Kadib markii weeraro argagaxiso oo kale duwan laga fuliyey gudaha waddanka Farankiisa ayaa waxa uu  Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande soo jeediyey qorshe cusub oo wax lagaga badali lahaa dastuurka oo ay ku jirtay in muwaadannimada laga xayuubiyo qof kasta oo Faransiis ah oo lagu helo falal argagixisanimo, qorshahaas ayaa waxa u dhaliyey muran badan, kaas oo haatan uu ka noqday Madaxweyne Hollande.

Hollande ayaa waxa uu qorshahan soo jeediyey kadib weeraradii bishii November ee 2015 ka dhacay magaalada Paris, kuwaasi oo lagu dilay 130 qof, islamarkaana lagu dhaawacay 350 qof oo kale.

Golaha qaranaka iyo senate-ka Faransiiska ayaa awoodi waayey in ay isku raacaan qorshahan.

Hollande ayaa waxa uu maanta sheegay in uu doonayey in uu mideeyo dalka, islamarkaana muujiyo in ay ka jawwaabi karaan falalka argagixisanimada.

Hindisahan ayaa waxa uu mucaarid xooggan kala kulmay kuwa aaminsan in si aan caddaalad ahayn loogu bartilmaameedsanayo dadka Muslimiinta ah.

Dadka qaar ayaa hindisahan la meel dhigay kii muwaadannimada Farannsiiska looga xayuubiyey yuhuudda intii uu socday dagaalkii labaad ee adduunka.

bandhige@gmail.com