Madaxweynihii Gambia ee laga guulaystay doorashada ayaa diiday oo ka noqday aqbalaaddii natiijada doorashada

Madaxweyna Yahye Jammeh ayaa horay u ogolaaday natiijada codadkii soo baxay isagoo intaasi raaciyay inuu aqbalay guusha musharaxii la tartamayay.

Balse war uu xalay ka baahiyay telefishenka dawladdda ayuu ku sheegay in uusan xilka ka dagayna, wuxuuna ku baaqaay in doorasho cusub la bilaabo.

Madaxweyne Yahye Jammeh ayaa waxa uu hore isagu u sheegay kahor intii aan natiijada lagu dhawaaqin in isaga laga guulaystay.

Waddanka Gambia ayaa waxa uu haatan wajahayaa qalalaase siyaasad kadib markii uu Madaxweyne Yahye Jammeh uu diiday aqbalaada natiijada doorashada iyo ka degista xukunka.

bandhige@gmail.com