Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee Gambia ayaa sheegay in Yahya Jammeh uu qirtay in lagaga guulaystay doorashadii Khamiistii dhacday.
Wuxuu intaas ku daray in ay ahayd wax aan la saadaalin karin in hoggaamiyaha Gambia uu qirto in lagaga guulaystay doorashada ka hor shaacinta natiijooyinka rasmiga ah.
Ilaa iyo hadda Yahya si toos ah isagu ugama hadlin natiijada hordhaca ah ee tilmaamaysa in uu ka codad yar yahay Adama Barrow oo ah hoggaamiyaha mucaaridka.
Yahya ayaa awooda Gambia afgambi kula wareegay sannadkii 1994-kii.
Dalkaas galbeedka Afrika ku yaalla awooda si sahlan loolama kala wareegin tan iyo markii uu xornimada helay 1965-kii.