Madaxweynaha Gaambiya wuxu dalkiisa ku soo rogay xaalad-degdeg ah maalin ka hor markii uu xilka wareejin lahaa

 

Madaxweynaha aan la saadaalin karin ee Gaambiya Yaxye Jaammeh ayaa dalkiisa ku soo rogay xaalad-degdeg ah maalin ka hor wakhtigii ay ahayd in uu xilka ku wareejiyo madaxweynihii la doortay Aadama Barow oo ku beegan Khamiista.

Madaxweyne Yaxye waxa lagaga guulaystay doorashadii dhacday 1-dii December, waanu aqbalay. Hase ahaatee wuxu is beddelay toddobaad kadib wuxuuna sheegay in uu ka noqday aqbalaadii doorashada kadib markii uu ogaaday in Komishanka Doorashooyinku ay wax is weydaariyeen.

Xaalad siyaasadeed oo kacsan ayaa dalkaas ka taagan iyadoo waddamada galbeedka Afrika ay Madaxweyne Yaxye ugu hanjabeen in ay weerar milatari ku soo qaadayaan kadib markii ay kala quusteen waanwaan.

Xaalad degdeg ah macnaheedu waxay ka dhigan tahay shirar lama qabsan karo, la iskuma iman karo, sidoo kalena booliisku waxay dadka xabsi karaan waaran la’aan.

Madaxweynihii la doortay Aadama Barow oo hadda ku sugan Senegal ayaa tibaaxay in berito la caleemo saari doono oo aanu aqbalayn in Yaxye Jaammeh uu madaxweyne ka sii ahaado dalkaas.

Ilwareed: Wakaaladaha wararka

Bandhige@gmail.com