Sidii ay u dhacday xafladdii qalin-jabinta Jaamacadda Cammuud ee Madaxweyne Siilaanyo maanta ka qayb-galay

Wafdigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayey Madaxweyne Siilaanyo waxay maanta ka qayb-galeen xafladdii qalinjebinta ee dafcaddii 14aad ee Jaamacadda Cammuud ka qalinjabisa tan iyo markii la aasaasay 1997.

Xafladda maanta oo ay ilyartu is qabatay marti-sharaf aad u badanina ay ka soo qayb-gashay waxa dhadhan gaar ah u yeelay iyadoo ay ka qalinjabiyeen ardaydii ugu badnayd ee shahaadad labaad (master-ta)ku diyaarasa jaamacadaha dalka gudihiisa.

Guddoomiyaha Jaamacadda Cammuud  Prof. Saleebaan Axmed Guuleed ayaa ka warbixiyey heerarkii iyo waayihii kala duwaana ee ay jaamacaddu soo martey iyo  horumarka ay maanta ku talaabsadey.

Prof. Saleebaan waxa uu dardaaran u jeediyey ardayda qalin-jabisay wuxuna u sheegay in ay ilaaliyaan qiimaha ay leeyihiin shahaadooyinka ay qaateen. Waxaa kale oo uu sheegay in ay sannadkan Jaamcadda ka baxeen arday dhan 863 arday kuwaas oo ay ku jiraan 43 arday oo shahaadada labad ( master degree) diyaariyey.

Gabagabadii xafladda waxaa ka hadalay Madaxweyne Siilaanyo oo ku lebisnaa dharka muujinaya astaanta qalinjebinta wuxuuna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay horumarka ay jaamacaddu ku tallaabsatey. Sidoo kale Madaxweynuhu wuxu muujiyey ahmiyadda iyo qiimaha ay aqoontu u leedahay dadka iyo dalkaba.

Ugu dambayn Madaxweynuhu wuxu shahaadooyin-sharaf guddoonsiiyey qaar ka mid ah shaqaalaha iyo ardayda jaamacadda Cammuud.

amoud3

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????