Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, Iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Oo Galabta U Ambo-baxay Dalka Itoobiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, iyo wefti balaadhan oo uu hoggaaminayey ayaa galabta safar shaqo ugu baxay dalka Itoobiya, safarkaas oo qaadan doona maalmo kooban.

Waxaana ka warbixiyey ujeedka safarka afhayeenka madaxweynaha Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac oo sheegay in safarkani la mid yahay safaradii shaqo ee hore madaxweynuhu ugu bixi jiray waddamada caalamka iyo dalalka aynu jaarka nahay, waxaanu yidhi afhayeenku “waxa uu madaxweynuhu halkaasi kulamo kula yeelan doonaa hoggaamiyeyaasha qaarada Afrika, waxaana magaalada Addis Ababa ku sugnaa wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo halkaasi ka waday hawlo diblumaasiyadeed”.

Sidoo kale waxa uu afhayeen Maxamuud Warsame sheegay in safarkan madaxweynuhu xoojin doono hawlihii diblumaasiyadeed ee wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ahi halkaasi uu u joogay muddooyinkii u danbeeyey, safarkan madaxweynuhu waxa uu qaadan doonaa muddo kooban waxaana ku wehelinaaya madaxweynaha safarkan xubno ka mida golaha wasiirada oo ay ka mid yihiin wasiirada Horumarinta Beeraha, Axmed Muumin Seedi, Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Siciid Sulub Maxamed, Xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka, Maxamed Xaaji Aadan Cilmi iyo La-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha dhaqaalaha Cismaan Sheekh Axmed.