Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Booqday Wershedaha wax soo saarka ee duleedka magaalada Hawaasa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo xubnihii weftiga ahaa ee uu hoggaaminayey, ayaa ka hor intii aannay soo afmeerin safarkoodii shaqo ee ay ku joogeen dalka Ethiopia, waxa ay socdaal kooban ku tageen magaalada wershedaha iyo wax soo saarka caanka ku ah ee Hawaasa ee Koonfurta dalka Itoobiya.
Madaxweynaha iyo weftigiisa oo ay gelbinayaan wasiirro iyo saraakiil sarsare oo katirsan dawladda Federal-ka Ethiopia, diyaarad khaas ahna lagaga qaaday caasimadda Addis Ababa, ayaa hannaan meeqaamkiisu aad u sarreeyo loogu soo dhaweeyey gegida diyaaradaha ee magaalada Hawaasa oo ay salaam Sharaf kaga qaateen weftiga madaxweynuhu ciidamad habmaamuuska ee ku sugnaa garoonka, waxana ay booqdeen warshedaha wax soo saarka ee duleedka magaalada Hawaasa ku yaalla.
Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL.