Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kulan La Qaatay Hoggaanka Dalladda Dhallinyarada Somaliland Ee SONYO

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan la qaatay hoggaanka dallada dhallinyarada heer qaran ee SONYO.

Hoggaanka dallada dhallinyarada Somaliland ee SONYO oo uu hoggaaminayo wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Boos Mire Maxamed, ayaa ugu horrayn madaxweynaha ku bogaadiyey sanduuqa dhallinyada ee uu Aas-aasay iyo sida uu mar walba ugu hagar baxo dhallinyarada dalka, xilka weynna isaga saaro inay da’yartu hoggaanka dalka qayb ka noqdaan.

Madaxweynaha, ayaa dhinaciisa hoggaanka cusub ee dallada SONYO  kula dardaarmay inay dardargeliyaan xilka culus ee loo igmaday, una guntadaan sidii guud ahaanba dhallinyarada Somaliland ay ugu hilaadin lahaayeen hir cusub oo barwaaqo leh.

 

Wa-bilaahi Tawfiiq