Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo La Kulmay Haween Weynaha Gobolka Togdheer

Burco (Dawan):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan gaar ah la qaatay Haween waynaha kala duwan ee magaalada Burco.

Madaxweynaha ayaa haweenka ka dhegaystay afkaar iyo aragtiyo kala duwan oo xaaladda dalka la xidhiidha, waxanu dhinaciisa ku sifeeyey haweenku inay yihiin lafdhabarta bulshada, islamarkaana ay yihiin kuwa ugu badan ee codkooda ka dhiibta doorashooyinka, door koodana ka qaata feejignaanta arrimaha qaranka.

Xubno katirsan weftiga madaxweynaha oo ay kamid yihiin Ergeyga madaxweynaha u qaabilsan IGAD, Mudane Cabdilaahi Maxamed Ducaale, maayaradii hore ee Burco iyo Hargeysa, Mudane Maxamed Muraad, xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco, wasiirka ganacsiga, ahna murrashaxa madaxweyne ku-xigeenka KULMIYE, mudane Maxamuud Xasan Sacad Saajin iyo wasiirka Xannaanada Xoolaha, mudane Siciid Sulub oo halkaa ka hadlay, ayaa si weyn ugu mahadnaqay haweenka reer Burco, waxanay sheegeen in guul kasta oo KULMIYE gaadhay ay haweenka reer Burco saldhig u yihiin.

 

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com