Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Xadhigga ka Jaray Mashaariic Waaweyn Oo Ay Dawladda Hoose Ee Degmada Berbera ka Hirgelisay Gudaha Magaalada

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xadhigga ka jaray mashaariic waaweyn oo ay dawladda Hoose ee degmada Berbera ka hirgelisay gudaha magaalada, kuwaas oo ay kamid yihiin dhismaha afar waddo oo hawlbawle ah oo kala ah Waddada Burco, waddada Dirir, waddada noobiyadda iyo istaanka basaska isaga goosha gobolada Dalka ee Berbera.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo wefti uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga gobolka Saaxil, ayaa xadhig-ka-jarista kaddib waxa ay ka qaybgaleen munaasibad lagu faah-faahinayey mashaariicda kala duwan ee ay dawladda Hoose ee Berbera magaalada ka hirgelisay, taas oo lagu qabtay gudaha hangar (Terminal) weyn oo laga dhisay duleedka istaanka basaska isaga goosha gobolada dalka ee magaalada Berbera, waxana halkaas laga jeediyey khudbado dhinacyo badan taabanaya oo salka ku haya waxqabadka dawladda Hoose ee Hargeysa.

Ugu horrayn xoghayaha fulinta ee dawladda Hoose ee degmada Berbera, Mudane Cabdikariin Aadan-cadde, ayaa si qoto dheer uga warramay mashaariicda muhiimka ah ee ay dawladda Hoose hirgelisay, waxana uu hoosta ka xarriiqay inay si hagar la’aan ah ugu shaqeeyeen shacabka reer Berbera, islamarkaana hirgeliyeen mashaariic waaweyn oo la taaban karo.

Duqa degmada Berbera, Mudane Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Ciddin) oo isaguna halkaas hadal dheer ka jeediyey, ayaa ku dheeraaday waxqabaddadii ay magaalada ka hirgeliyeen, kuwaas oo ay ugu waaweyn yihiin waddooyin casri ah iyo dhismeyaal bulshada muhiim ah, islamarkaana ay kor u qaaday bilicda iyo quruxda magaalada oo muhiim u ah isu socodka dunida.

Badhasaabka gobolka Saaxil, Mudane Axmed Maxamed Xaashi, ayaa isaguna dhankiisa bogaadiyey horumarka ay ku tallaabsatay dawladda Hoose ee Berbera, isagoo kula dardaarmay inay sii laban-laabaan dedaalkooda.

Wasiirrada wasaaradaha Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali koore, Qorshaynta iyo horumarinta qaranka, Mudane Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), Xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga, Mudane Siciid Sulub Maxamed iyo horumarinta maaliyadda, Mudane Sacad Cali Shire oo hadallada u kala dambeeyey, ayaa dawladda Hoose ee Berbera ku ammaanay mashaariicda horumarineed ee ay magaalada ka hirgeliyeen, waxana ay ku dhiirrigeliyeen inay dedaalkooda sii kordhiyaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo madasha soo gunaanaday, ayaa bogaadiyey horumarka ballaadhan ee Berbera ka hirgalay, waxana uu masuuliyiinta dawladda Hoose ee Berbera iyo shacabkoodaba ku ammaanay sida ay ugu heellan yihiin horumarka gudaha iyo midka caalamiga ah ee Berbera ka socda, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“ Horumarka Berbera ka socdaa waa laba, mid dawladda Hoosaa leh, midna waa maalgelinta caalamiga ah oo in Berbera la aamino ay keeneen dadka reer Berbera, haddii aanay dadka reer Berbera ahayn dad soo dhaweynaya dadka maalgaashanaya, nabad u haya, wax la qabsanaya oo ay wax ku aamin karaan, mashruuc kasta oo ay dawladdu keenta socon maayo, markaa horumarka labaad ee maanta adduunka oo dhammi Berbera ku majeeranayaa wuxuu ku yimi kalsoonida reer Berbera u muujiyeen ajaanibka maalgashanaya.”

Madaxweynuhu waxa uu carrabka ku adkeeyey in horumarka Berbera ka socda ee wanaagsan ay mudan tahay in looga mahadnaqo oo loogu abaal hayo ciddii hindistay oo uu ugu horreeyo madaxweynihii hore ee Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo,“Horumarka ka socda Berbera cid baa hindiseheeda lahayd oo ku tacabtay oo taariikhda in loo ogaado oo looga mahadnaqo ay tahay oo uu kow ka yahay madaxweyne Siilaanyo, ninka ku labeeyaana waa Sacad Cali Shire, waxana saddexaynaya shacabka ka guddoomay ee arrintaas ee la garab qabtay iyo maayarka magaalada iyo golihiisa oo iyaguna intii kaga beegnayd hawshaas ka qabtayna waan uga mahadnaqaynaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynuhu waxa uu la dardaarmay bulshada ku dhaqan reer Berbera, waxana uu usoo jeediyey inay ka faa’iidaystaan bogcadda qaaliga ah ee Ilaahay ku abuuray, islamarkaana ay yeeshaan han durugsan oo gaadhsiisan heer ay kula tartamaan dunida kale ee dhiggooda ah.

Ugu dambayntii, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu u duceeyey dhammaanba murrashaxiinta u diyaarka ah doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee soo socda, waxana uu usoo jeediyey in ciddii guulaysataa ku dedaasho waxqabadka dalka iyo dadka, cidii soo bixi weydaana ay dulqaad iyo aqbalaad xagga natiijada ah muujiso.

bandhige@gmail.com