Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxu kulan la qaatay Hoggaanka Ururrada Bulshada Rayidka ah

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinayo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta qasriga Madaxtooyada shir muhiima kula qaatay hoggaanka Ururrada Bulshada Rayidka ah ee ka hawlgala Somaliland.

Kulankan, waxa lagu lafo-guray sidii Ururrada Bulshada rayidka ahi ay qayb uga qaadan lahaayeen arrimaha dardargelinta doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka, isla markaana si wada-jira loogu hirgelin lahaa hiigsiga iyo himilooyinka dalka ee la xidhiidha arrimaha doorashooyinka, doorka dhallinyarada iyo haweenka ee ka qayb-qaadashada doorashooyinka iyo dhiirri-gelinta aqoonta saxaafadda.

Dhankooda, hoggaanka Ururrada Bulshada rayidka ahi waxay muujiyeen dareenkooda ku aaddan inay diyaar u yihiin gacan-ka-geysashada iyo ka midho-dhalinta qorsheyaasha horumarineed ee dalka.

Gebagebadii shirka, Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ku bogaadiyey Ururradda Bulshada Rayidka ah dedaalka ay ugu jiraan horumarka dalka, Wuxuuna Madaxwaynuhu hoga-tusaaleeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqaynta Ururrada Bulshada, kuna adkeeyey inay sii kordhiyaan ka shaqaynta arrimaha bulshada ee dalkooda.

bandhige@gmail.com