Madaxweynaha Kiiniya oo booqasho ku tegay Talyaaniga

Madaxweyne Uhuhu Kenyatta ayaa booqasho ku tagay dalka Talyaaniga taas oo ka qayb gali doono Carwadda Ganacsiga ee ka socota dalkaas oo ganacsata Kiiniya ay ku soo bandhigo doonaan fursaha ganacsiga iyo dhaqankooda.

Inta uu joogo Talyaaniga waxa uu kulamo gaar ah la qaadan doonaa Raysal Wasaaraha Matteo Rensi iyo Madaxweyne Sergio Mattarella.

War qoraal ah oo ay soo saareen xafiiska Madaxweyne xidhiidhka iyo qorshaynta ayaa lagu sheegay in uu Madaxweyne Kenyatta uu furi doono xidhiidh cusub oo caalami ah u dhexeeya Kiiniya iyo Talyaaniga.

Munaasibadahan ayaa ku beegan todobaadka Kiiniya ay soo bandhigi doonaan dhaqanka, ganacsi iyo orodka si kor loogu qaado sumcada Kiiniya.

Booqashada Kenyatta ee Talyaaniga ayaa daba socota booqashadii uu hore ugu tegay Kiiniya bishii Julay Raysal Wasaare Matteo Rensi oo markhaati ka ahaa heshiiskii ay wada galeen dawladda Kiiniya iyo shirkada Talyaaniga BNP Paribas ee dhismaha Bangiyada Itare Dam in Kuresoi.

bandhige@gmail.com