Madaxweynaha Ruwaandha oo ka digay dagaal ka dhacay Burundi

Madaxweynaha Riwanda Paul Kagame ayaa ka digay dagaal sokeeye oo ka dhaca Burundi isla markaana xukuumadda Burundi ku canaantay dilka iyo dhibaataynta shacabka reer Burundi.

“Anigu uma hadlayo qaab diblomaasiyaysan, waxaan u hadlayaa qaab saraaxo ah. Dawladda Burundi ha joojiso dilka iyo dhibaataynta shacabka.”

Madaxweynaha Riwaandha wuxu ka digay haddii dhaqanka cusub ee xukuumaddu uu sidaas ku sii socdo in uu isu beddeli karo isir-nacayb iyo dagaal sokeeye oo meesha ka dhaca kaas oo ku dambayn kara xasuuq la mid ah kii Riwaandha ka dhacay 1994-kii.

Boqolaal ciidamada Burundi ah ayaa lagu daad-gureeyey xaafadaha mucaaridka loo tiriyo si ay u baadhaan oo ay u soo aqaan hub lagu sheegay sharci-darro oo ay dadka qaar haystaan.

Ururrada xuquuqda aadamaha qaarkood ayaa sheegay in ciidankaasi aanay ku ekeen amarkii la soo siiyey ee ay gaysanayaan tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadamaha.

Ololaha ciidamada Burundi ayaa bilaabmay kadib markii dablay madaxa soo duubatay ay galeen meel lagu caweeyo kadibna ay sagaal qof xabad madaxa kala dhaceen, dilkaas oo noqday mid aad looga argagaxo iyadoo dadkii falkaas gaystayna aan la soo qaban.

Qulquladaha Burundi ayaa bilaabmay ilaa markii uu Madaxweynaha Burundi Nkurunziza uu ku dhawaaqay in uu mar saddexaad sharaxan yahay. Intii la doortay kadibna rabshaddaasi waa sii xoogaysay waxana laga soo bilaabo wakhtigaas ku naf -waayey boqolaal qof kuwaas oo sababay in Burundi laga joojiyo xubinimada Midowga Afrika.

Bandhige@gmail.com