Madaxweynaha Shiinaha waxa uu booqasho ku tegay Eeraan

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa waxa uu booqasho ku tegay Tehran, halkaas oo u wada-hadalo la leeyahay dhigiisa Eeraan.

Booqashadan ayaa waxay noqonaysaa booqashadii ugu horeysay ee hoggaamiye Shiine ahi ku tego Eeraan muddo haatan laga joogo toban sanno.

Mr Xi waxa uu noqonayaa hoggaamiyihii ugu horreeyay ee ajnabi ah ee yimaada Eeraan tan iyo markii laga qaaday cunaqabateynta caalamiga ah toddobaadkii hore.

Booqashada XI ayaa waxay daaran tahay sidii xoojin lahaa xidhiidhka Shiinaha kaasi oo ay waddamo la wadaan heshiisyo ganacsi iyo mid siyaasadeedba ah.

Eeraan ayaa waxa haatan u bilaabmay in ay la macaamisho dunida inteeda kale oo ay ka go’nayd.

bandhige@gmail.com