Madaxweyne Siilaanyo wuxu maanta qaabilay Ergeyga Midawga Yurub ee Somaliland Iyo Soomaaliya

Sida ku dhigan war-saxaafadeed hadda ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, Madaxweyne Siilaanyo waxa uu xafiiskiisa ku qaabilay maanta Ergayga Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Michele Cervone d’Urso.

Waxa Madaxweynaha kulankan ku wehelinaayey Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr Sacad Cali Shire, Wasiirka Madaxtooyada  Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiir Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade, Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Axmed Cali iyo Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland Xuseen Aadan Cige “Xuseen Deyr.”

Kulnka ka dibna waxa saxaafadda si wada jira ula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland iyo Ergeyga Midawga Yurub, waxayna ka warbixiyeen ujeeddada kulanka oo ay ka mid ahayd sidii ay wakhtigeeda ugu qabsoomi lahayd doorashada 2017-ka.

Waa markii kowaad ee uu dalka ku soo noqdo Ergeyga Midowga Yurub Michele d’Urso tan iyo markii ay bishii May isku dhaceen xukuumadda Somaliland, wakhtigaas oo midowga Yurub ay Somaliland ku canaanteen dib-u-dhaca doorashadii loo ballan-sanaa 26-kii June 2015-ka.

Wakhtigaas waxa la sheegay in Somaliland ay dacwad ka gudbisay ergeygan isaga oo ergayganina kaga falceliyey hoos-u-dhig uu ku sameeyey xafiiskii Midowga Yurub ee Hargeysa.

Hoos ka daawo fiidyowga iyo sawirrada kulanka.

 

Siilaanyo d'Urso2

d'Urso