Madaxweynaha Somaliland iyo weftigii uu hoggaaminayey waxay gaadheen waddanka Imaaraadka Carabta

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey waxay xalay fiidkii gaadheen waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, halkaasi oo si balaadhan loogu soo dhaweeyey.

Waxaana Madaxweynaha madaarka ku soo dhaweeyay madax sare oo katirsan dawladda imaaraadka carabta waxaanay wakhti kooban labada dhinac ku wada qaateen qolka vip-da  garoonka, iyagoo iska xog wareystay xidhiidhka labada dal  ka dibna madaxweynaha somalialnd iyo weftigiisa waxaa loo soo galbiyay qasriga lagu casuumo madaxda caalamka halkaas oo la dajiyay weftiga madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

bandhige@gmail.com