Madaxweynaha Somaliland oo la filayo in uu galabta socdaal ugu baxo waddanka Ethiopia

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa la filayaa in uu galabta socdaal ugu baxo waddanka Ethiopia gaar ahaana Addis Ababa.

Weli ma cadda ujeedka socdaalka madaxweynuhu ku tegayo Ethiopia.

Addis Ababa oo madaxweyne Biixi, tegayo waxa ka socda shirka midowga Afrika oo ay ku sugan yihiin madaxda dawladaha Afrika oo uu ka mid yahay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Laba oga in labada madaxweyne kulmayaan iyo in kale.

Warka safarka madaxweynaha waxa ii xaqiijiyay saraakiil xukuumadda ka tirsan.

Xigasho: Wariye Xasan Galaydh