Madaxweynaha Somaliland wuxu cafiyey maxaabiis gaadhaysa 511

????????????????????????????????????

Wareegto Madaxweyne

Cafis

 Markaan Arkay:                   Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Xubintiisa 5aad;

 

Markaan Arkay:                   Xeerka Ciqaabta Guud, Qodobkiisa 149aad;

 

Markaan Tixgaliyey:           In Cafis Loo Fidiyo Maxaabiista Dembiyada Fudud Ku Xukuman, Munaasibaadda Ciidal Fidrida awgeed ee sannadka 1439 ee Hijriyda, kuna beegan 2018;

 

Markaan La-tashaday:         Hay’adaha Ay Khusayso;

 

Waxaan Go’aansaday;

 

In laga bilaabo taariikhda maanta aan cafis buuxa u fidiyo Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 511 (Shan Boqol iyo Kow iyo Toban) maxbuus.

 

Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga iyo raadka ciqaabeed ee ka dhashay dembiyadda ay ku xukunnaayeen, sida ku xusan qodobka 92 ee Xeerka Ciqaabta Guud.

 

Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista Wareegtadan ku lifaaqan.

 

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

 

Naasir Yuusuf Daahir

Director of the Presidential Media Department

Hargeisa – Republic of Somaliland

Line: 518390

https://www.facebook.com/XafiiskaAfHayeenkaMadaxtooyadaJsl?ref=hl

http://www.somalilandnation.net/

Attachments area