Madaxweynaha Tansaaniya waxay magacowday Madaxweyne-ku-xigeen

 

Madaxweynaha Tansaaniya Saamiya Suluhu ayaa Madaxweyne-ku-xigeen usoo magacaawday wasiirkii maaliyadda ee dalkaas Philip Isdor Mpango.

Waxaana magacaabista Madaxweyne-ku-xigeenka cusub shaaciyay Guddoomiyaha Baarlamaanka ka hor ansixintiisa.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa sacbiyay markii uu Guddoomiyaha Bbaarlamaanka shaaciyay Philip Isdor Mpango.

Ninkan madaxweyne ku xigeenka loo magacaabay ayaa bishii hore kasoo hormuuqday shir jaraa’id isaga oo qufacayo xilli uu ka tacsiyeeynayay mas’uuliyiin ka tirsan dawladda oo looga shakiyay in ay u dhinteen cudurka Covid-19.

bandhige@gmail.com