Madaxweynaha dalka Ugandha, Yoweri Museveni ayaa wiilkiisa curadka ah dallacsiiyay, wuxuuna ka dhigay lataliyaha gaarka ah ee madaxtooyada, kadib isku shaandheen uu ku sameeyay ciidamada.
Gaashaanle Sare Muhoozi Kainerugaba, ayaa dhinaca horumarka derajada ciidan si xowli uga soo dhex muuqday ciidamada militariga dhexdooda.
Waxaa jiro hadallo la isla dhexmaraayo oo sheegay in loo diyaarinaayo in uu qabto xilka madaxweynaha ee Ugaandha.
Dadka falanqeeya siyaasaddda waxay sheegayaan in shaqada cusub ee loo dhiibay ee ah in uu ka shaqeeyo madaxtooyadda ay sare u qaadeyso khibradiisa.
Museveni, oo 72 sano jir ah, waxa uu ka mid yahay madaxweynayaasha Afrika ee muddada dheer maamulka haya.
Wuxuu awoodda la wareegay 1986-dii, kadib markuu ku guuleystay shan sanno oo dagaal sokeeye ah.
Sannadkii tagay ayuu mar shannaad ku guuleystay doorashada, wuxuuna helay boqolkiiba 60 codadkii la dhiibtay.
Gaashaanle Sare Muhoozi Kainerugaba, oo 42 sano jir ah, wuxuu maamulaya ciidamada sida gaarka ah u tababaran iyo ilaalada aabihii tan iyo sannadkii 2008-dii.
Wuxuu ka soo baxay machadka militariga ee boqortooyada Ingiriiska, sannadkii 2000. 2016kii ayuu qaatay darajada Gaashaanle Sare.