Madaxweynaha Xidhiidhka Kubbadda Cagta Yurub Micheal Platini waxa uu ku dhawaaqay in uu u sharaxan yahay Madaxweynaha FIFA

Madaxweynaha Xidhiidhka Kubbadda Cagta Yurub Micheal Platini ayaa ku dhawaaqay in uu sharaxan yahay jagadda Madaxweynenimadda FIFA ee cod-bixinteed la qaban doono 26ka bisha Feebarwari sannadka soo socda.

60-jirkan khadka dhexe uga ciyaari jiray xulka Faransiiska ayaa ku dhawaaqay musharaxnimadiisa ka dib markii uu taageero ka helay xidhiidhadda afar Qaaradood.

Platini oo ka hadlaya dhawaaqista musharaxnimadiisana waxa uu yidhi:

“Waxa aan miisaamay mustaqbalka kubbadda cagta iyo muqtaqbalkayga gaarka waxaanan ku qancay in isku sharaxo jagadda madaxweynenimo ee FIFA, iyadoo ay u baahan tahay maamul cusub.”

Platini ayaa taageero ka haysta xidhiidhka Yurub ee uu hogaamiyo, sidoo kale taageerada Koonfur Ameerika, Waqooyiga, Bartamaha Ameerika iyo Caribbean-ka, iyo taageerada Aasiya.

Madaxweyne Xidhiidhka Kubadda Cagta Adduunka Sepp Blatter, oo ay da’diisu tahay 79, ayaa waxa uu madax ka ahaa Fifa tan iyo 1998, Waxaanu xilka ka degayaa bisha Feebarwari ka dib markii lagu eedeeyey maamulka kubbadda cagta adduunka eedaymo musuq-maasuq.

Khubaradda ka faalooda kubbadda cagta ayaa saadilinaya in uu Platini ku guulaysan doorashada madaxweynenimadda FIFA.

bandhige@gmail.com