Madaxweyne Biixi Oo La Filayo Inuu Mar Kale Fadhi Aan Caadi Ahayn Isugu Yeedho Golaha Wakiilada Oo Uu Horgayn Doono Xubnihii Guddiga Doorashada

Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa inuu fadhi aan caadi ahayn isugu yeedho xildhibaanada golaha wakiilada. Sidaas waxa Geeska Afrika u xaqiijiyay ilo xogogaala.

Sida uu warku sheegay Madaxweyne Biixi ayaa xildhibaanada isugu yeedhi doona toddobaadka soo socda si ay waajibaadkooda distooriga ah uga gutaan labadii xubnood ee ay UCID iyo Waddani u xuleen guddiga doorashada oo uu Madaxweynuhu mar labaad hore gayn doono, iyagoo ay xildhibaanadu hore ugu diideen cod aqlabiyad ah.

Madaxweyne Biixi ayaa arrintan u sheegay labada guddoomiye xisbi mucaarad Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi oo toddobaadkii la soo dhaafay la yeeshay kulan ka dhacay madaxtooyada.

Madaxweyne Biixi ayaa la filayaa inuu ka hor yeedhmada xildhibaanada ee fadhigan aan caadig aahayn samayn doono dhaqdhaqaaq uu xildhibaanada kaga codsanayo inay ansixiyaan labadaas xubnood ee ay hore u diideen ee ka socda labada xisbi mucaarad. Waxase loo wada dheg taagayaa in xildhibaanadu ansixin doonaan labadan xubnood iyo inay mar labaad soo celin doonaan.

Xildhibanaada golaha wakiilada oo la filayay inuu kalfadhigoodu u furmo toddobaadkii hore ayaa waxa la siiyay fasax dheer xanuunka Covid-19 dartii.

Xigasho: Geeska Afrika

Bandhige@gmail.com