Madaxweyne Biixi waxa uu magacaabay Agaasimaha Guud ee Barnaamijka Shaqo Qaran

 

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahayJSL/XM/WM/222-205/102018, ku magacaabay Agaasimaha Guud ee Barnaamijka Shaqo Qaran.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne 

Magacaabid

Markaan Arkay:               Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; 

Markaan Dersay:             Muhiimadda uu Barnaamijka Shaqo Qaran u leeyahay Dhismaha Qaranka, Dhiiri-gelinta Dhallinyarada iyo Dardar-gelinta Hawlaha Shaqo Abuurka;                       

Markaan Arkay:               Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa; 

Markaan ku Qancay:        In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan; 

Markaan Sameeyey:           La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey; 

In Mudane, Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Barnaamijka Shaqo Qaran ee Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha JSL