Madaxweyne Biixi wuxu magacaabay ku-xigeenka Hanti-dhawraha Guud iyo xubnaha Komishanka Xuquuqda Aadamaha

Taariikh: 03 /07/2018

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-157/072018, ku magacaabay ku-xigeenka Hanti-dhawraha guud ee qaranka.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:ย 

Markaan Arkay:ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  Qodobka 90aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Tixgeliyey:ย ย ย ย ย ย ย ย ย  Ahmiyadda uu ku-xigeenka Hanti-dhawraha guud u leeyahay dhisimaha Qaranka

Markaan Arkay:ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  In baahi loo qabo buuxinta jagada Ku-xigeenka Hanti-dhawraha guud ee Qaranka.

Markaan Fiirsaday: ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markaan Sameeyey: ย ย ย ย ย ย ย ย ย  In uu hanan karo xilkan;

Waxaan Goโ€™aamiyey;

In Mudane, Sacad Cabdi Cabdilaahi Riiraash, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado ku-xigeenka Hanti-dhawraha guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

ย Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Xafiiska Af-hayeenka Madaxweynaha JSL

Taariikh:03 /07/2018

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-156/072018, ku magacaabay Xubnaha Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:

Markaan Arkay:ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay:ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  Xeerka Komishanka Xuquuqul Aadamah, Xeer Lr. 39/2010;

Markaan Helay:ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  Qoraalka Guddida Xulista Xubnaha Komishanka Xuquuqul Aadamaha;

Markaan Tixgeliyey: ย ย ย ย ย ย ย ย  Ahmiyadda Komishanka Xuquuqul Aadamuhu u leedahay Dhismaha, Sumcaddda iyo Horumarka Qaranka;

Markaan Sameeyey: ย ย ย ย ย ย ย ย ย  La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Goโ€™aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan u magacaabo xubnaha magacyadoodu hoos ku xusan yihiin in ay noqdaan Xubnaha Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka:

Tir. Magaca Xilka
1. Maxamed Baaruud Cali Xubin
2. Rooda Axmed Yaasiin Xubin
3. Muuse Cismaan Warsame Xubin
4. Saleebaan Warsame Guuleed Xubin
5. Waris Abshir Xaaji Diiriye Xubin
6. Cumar Maxamuud Xuseen Xubin
7. Cabdirashiid Siciid Cindi Xubin

 

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

ย 

 

Naasir Yuusuf Daahir

Director of the Presidential Media Department

Hargeisa – Republic of Somaliland

Line: 518390

https://www.facebook.com/XafiiskaAfHayeenkaMadaxtooyadaJsl?ref=hl

http://www.somalilandnation.net/