Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki moon oo ku booqasho ku jooga Burundi ayaa sheegay in Madaxweyne Pierre Nkurunziza uu aqbalay in uu wada-hadal la galo hoggaamiyayaasha mucaaridka, si loo soo jaro xiisadeeda siyaasadeed ee ka jirta Burundi.
Sidoo kale waxa uu Xoghayuhu sheegay in dhammaan dhinacyadu ay balanqaadeen in ay galaan wada-hallo loo dhan yahay.
Booqashada Ban Ki mon ayaa timid bil kadib markii wafuud ka socota Golaha amniga ee Qaramada Midoobay ay Burundi booqdeen si ay Madaxweyne Nkurunziza cadaadis ugu saaraan in uu wada-hadal la furo mucaaridkiisa.
Qalalaasaha Burundi ayaa waxay bilaabmeen tan iyo bishii April ee sannadkii hore ka jiray rabshado siyaasadeed oo ka dhashay marki Nkuzunziza uu raadiyey kuna guuleystay in markii saddexaad xilka loo doorto, taasoo loo arkayey in ay ahayd mid aan dastuuri ahayn.
Dadka kor kala socda arrimaha Burundi ayaa waxay ka cabsanayaan in rabshadaha oo ay ku dhinteen in ka badan 400 qof, sidoo kalena 230 kun oo qof ay dalka ka qaxeen ay dhallin karaan in dalka uu mar kale dagaal sokeeye galo.
Safarka Ban Ki-moon ka hor waxaa afar qof lagu dilay laba weerar oo banbaano oo ka dhacay dalkaasi muddo 24 saacadood gudahooda.
Sidoo kale waxa maalinta Khamiista iyaguna booqasho ku tegayay afar shan hoggaamiyo oo Afrikaan oo uu ku jira Madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma.