Madaxweyne Geele ayaa ku dhawaaqay in uu markii afaraad u sharaxan yahay doorashada Madaxweynimo

Madaxweynaha dalka Jabuuti  Ismaaciil Cumar Geele oo jagadda Madaxweynimo soo qabtay saddex teeram ayaa waxa shalay ku dhowaaqay in uu mar afaraad u sharaxan yahay jagadda Madaxweynimo oo u sababeeyey in ogolaaday doonista shacabka, xaaladda Jabuuti, xaalada gobolka  iyo horumar balaadhan oo uu gaadhsiiyey Jabuuti.

Madaxweyne Geele ayaa hore dastuurka u furay oo wakhtiga uu jagada joogi karo Madaxweyne oo ahayd laba teeram oo uu ka dhigay saddex teerama, musharaxa Madaxweynimo ee Geele ayaa ka dhigaysa markii labaad ee dastuurka Jabuuti la furo oo laga dhigo madaxweynaha la dooranayo afar teeram.

Geele ayaa waxa laga soo duubay muuqaal la soo galiyey barta Youtube-ka oo daawasho ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa:

“Waxaan is leeyahay in aan dalka horumar gaadhsiiyey, waxaana doonayaa in aan horumarkaas sii wado.”

Doorashada madaxtinimada Jabuuti ayaa waxay dhaceysaa bisha Abril ee sanadka 2016-ka.

bandhige@gmail.com