Madaxwayne Ku-xigeenka Somaliland ahna ku simaha Madaxwayanha Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa magaalada Gabiley ee xarunta Gobolka Gabiley kaga qayb galay xaflad balaadhan oo loo qabtay taageerayaal tiro badan oo ka soo diga-rogtay Xisbiyada UCID iyo Waddani oo ku soo biiray xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye.
Taageerayaashan miisaanka leh oo ay hoggaaminayeen 11 xubnood oo isugu jira maayaro iyo xildhibaanno ka mid ahaa golayaashii hore ee deegaanka Gabiley iyo masuuliyiin iyo siyaasiyiin ka tirsanaa xisbiyada mucaaridka oo ay ka mid yihiin, Guddomiyihii xisbiga UCID ee Gobolka Gabiley, siyaasiyiin tiro badan oo ka tirsan Golaha dhexe ee Xisbiga Waddani iyo taageerayaal badan oo wehelinayey,
Waxa xafladda loo sameeyey ka qaybgalay Madaxwayne-ku-xigeenka Somaliland, Guddomiye-ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga Kulmiye, Wasiirka Beeraha, Wasiirka Warshadaha, Wasiirka xidhiidhka golayaasha ,Wasiir ku-xigeenka Cayaaraha, Badhasaabka Gobolka Gabiley, Duqa Degmada iyo Xildhibaano.
Madxwayne-ku-xigerenka Somaliland oo xaflada soo xidhay ayaa kudbad ka jeediyay madaashaasi waxaanu yidhi:
“Waan idinku soo dhawaynayaa Xisbiga Kulmiye, waxaan idiin sheegayaa in Xisbigii Mucaaridka ahaa ee Waddani uu fashilmay waxaanu ku fashilmay Shirwayniihii Golihiisa dhexe ee uu qabtay oo ahayd mid cadaalad daro ah oo qof xaqiisii la duudsiyay waxaanu sameeyeen sharci jabin, Kulmiye waxa hoggaaminaya laba nin oo mujaahidiina Muuse Biixi Cabdi waxa uu ku suntan yahay halgankii dalka, aniguna waxaan ku suntan ahay dimuqraadiyada Somaliland, Xisbigii aan siyaasad ka soo galay ayuunbaan ku jiraa ilaa imika, nimanka Xisbigayaga ka yaacay ee afduubka lagu eedaynaayayna waxaan leeyahay afduubkii aad sheegayseen idinkaa Waddani la tagay oo shirkisii golaha dhexe afduubay,”