Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wefti ka socda UN-ta.

Waxaana Kulankaa lagaga wada-hadlay wajiga 4aad ee mashruuca maamul daadejinta dawladaha hoose ee JPLG-ga oo la filayo in uu sannadka cusub 2024 bilaabmo, sidoo kale waxa kulanka lagu lafa guray wajigii 3-aad ee dhammaaday waxyaabihii guud ahaan qabsoomay iyo caqabadiihii ka hor yimi.