Madaxweyne Ku-xigeenka JSL Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici) ayaa ka qayb-galay Kulan balaadhan oo ka qabsoomay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibada Finland, kaas lagaga hadlayey qadiyadda iyo madaxbanaanida Somaliland.

Madaxweyne Ku-xigeenka JSL Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici) ayaa ka qayb-galay Kulan balaadhan oo ka qabsoomay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibada Finland, kaas lagaga hadlayey qadiyadda iyo madaxbanaanida Somaliland

Kulankaas ayaa mudadii uu socday waxa xooga lagu saaray guulihii JSL ay gaadhay 32- kii sannadood ee ay madax-banaanida haysatay ee dhismaha dawladnimada, nabadgelyada, dhinacyadda kala duwan horumarka iyo sidii ay dunida uga heli lahayd aqoonsi buuxa.

Madaxweyne Ku-xigeenka JSL Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici) ayaa sheegay in Somaliland ay tahay dal juquraafi ahaan dunida muhiim u ah oo leh nidaam dawladeed, calan, xuduudo soo jireen ah, lacag u gaar ah, nabadgelyo iyo kala dambayn, khayraad wanaagsan, fursado maalgashi, dastuur iyo xeerar ilaalinaya maalgashiyada caalamiga ah iyo xuquuqaha muwaadiniinteeda.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa intaas ku daray in Somaliland oo hirgalisay wixii looga baahnaa dawlad madax banaan ay dunida xaq ugu leedahay in ay ka hesho aqoonsi caalami ah, isaga oo xusay in ay dunida u fidinayso gacan saaxiibtinimo iyo xidhiidh labada dhanba dan u ah.