Madaxweyne Ku Xigeenka Jsl oo Soo Xidhay Kulankii 4aad Ee Warbaahinta Iyo Xuska Maalinta Saxaafadda Somaliland

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta soo xidhay kulanka 4aad ee Warbaahinta iyo Xuska Maalinta Saxaafadda Somaliland oo muddo laba cisho ka socday Caasimada Somaliland ee Hargeysa kaasi oo lagu gorfeeyey ajandayaal  badan oo la xidhiidha Doorka wanaagsan ee Saxaaafadda Jamhuuriyadda Somaliland, kulankan oo uu soo agaasimay Ururka Saxaafadda Somaliland ee SOLJA ayaa waxaa goob joog ka ahaa  Wasiiradda Wasaaradaha Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta, Isgaadhsiinta iyo tiknoolajiyada Somaliland iyo qaar kamida ruug cadaagii Saaxaafada iyo guud ahaanba Warbaahinta Somaliland oo uu ka mid ahaa Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) wasiirkii hore ee warfaafinta Jsl.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo  soo xidhay shirkaasi ayaa Wasaaradda Warfaafinta iyo Ururka Saxaafadda Somaliland uga mahadceliyey  hannaanka wanaagsan ee ay uga shaqeeyeen shirkaasi, sidoo kalena waxa uu bogaadiyey doorka wax ku oolka ah ee Warbaahinta Somaliland ku leedahay qaranka.

Dhanka kalena waxa u warbaahinta kala dardaarmay inaanay noqon kuwo ka shaqeeya xumaha balse ay noqdaan kuwo ka shaqeeya dhanka wanaaga iyo horumarka waddankooda islamarkaana ay ku dabaqaan aqoontooda iyo waayo aragnimadooda saxaafadeed.

Ugu danbayntiina waxa uu shahaadooyin iyo abaalmarino gudoonsiiyey qaar ka mida warbaahinta oo guulaystay Hal abuurnimadii sannadkan lagu tartamayey.