Madaxweyne-ku-xigeenka oo ka qayb galay shirka deegaanka waddamadda Geeska Afrika oo Hargeysa ka furmay

Shirka waddamada Geeska Afrika ee deegaanka ayaa waxa uu ka furmay Hudheelka Maansoor, shirkan ayaa waxa ka soo qayb galay Madaxweyne-ku-xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylic iyo xubno ka tirsan golaha wasiiradda, ururadda ka shaqeeya deegan, jaamacadaha dalka, ergooyin ka socda waddamada Geeska Afrika iyo khubaro caalami ah oo aqoon dheer u leh deegaanka.

Shirkan ayaa waxa uu socon doonaa muddo afar maalmood ah ayaa waxa soo qabab qaabiyey ururka maxaliga ee Barwaaqo Voluntary Organization oo ka shaqeeya horumarinta arrimaha bulshada iyo deegaanka.

Shirkan ayaa lagu falanqayn doonaa inta uu socda arrimaha deegaanka gaar ahaan siyaabaha kala duwan ee lagaga hortegi karo waxyaabaha deegaanka wax u dhima sida geedaha oo la gooyo, duur-joogta oo la qabto ama la dilo ama la dhoofiyaba, biyo la’aanta, iyo waxyaabaha sababa abaaraha.

Arrimaha deegaanka ayaa ka mid ah qodobadda ay Qaramadda Midoobay ee hiigsi cusub ee ka kooban 17-ka   qodob lagu doonayo in lagu horumariy dunidda.

Shirkan ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli ay socdaan dadaalo lagu doonayo in lagu xakameeyo cimilada sii kululaanaysa ee dunida, iyadoo qaaradda Afrika ay ka mid tahay meelaha ay sida weyn u saameysay cimilada sii kululaanaysa

bandhige@gmail.com