Madaxweyne-Ku-Xigeenka oo ka qaybgalay Maalinta Deegaanka oo si sare loo xusay

????????????????????????????????????

Maalinta Caalamiga ah ee Deegaanka ayaa maanta si weyn looga xusay Hargeysa.

Xaflad si weyn loo abaabulay oo lagu qabtay barxadda hore ee xarunta Wasaaradda Deegaanka ayaa waxa ka qayb-galay Ku-Simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne-Ku-Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil “Saylici”, wasiirro door ah, hay’ado caalami ah iyo marti-sharaf kale oo badan.

Sida lagu muujiyey war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska saxaafadda ee Madaxtooyada, ujeeddada maalintan loo xusay ayaa ah in la sii adkeeyo muhiimadda deegaanku ku fadhiyo iyo qiimaha uu dalka u leeyahay.

Shukri Baandare, Wasiirka Deegaanku, waxa ay xuskii Maalinta Deegaanka ka jeedisay warbixin
Shukri Baandare, Wasiirka Deegaanku, waxa ay xuskii Maalinta Deegaanka ka jeedisay warbixin

Wasiiro dhawr ah oo munaasibadda ka hadlay waxa ay ku dheeraadeen muhiimadda Maalinta Deegaanka. Ugu horreyn Wasiirka Deegaanka Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare ayaa ka warbixisay sida ay wasaarad ahaan uga hawl galeen ilaalinta iyo dhawrista deegaanka.

Cabdi Abokor oo ah sarkaal ka tirsan UNDP wuxu hadal ka jeediyey xuskii maanta
Cabdi Abokor, sarkaal ka tirsan UNDP, wuxu ka warbixiyey muhiimadda ay ku fadhido Maalinta Deegaanku

Madaxweyne-Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo madasha hadal kooban ka jeediyey ayaa isaguna xusay muhiimadda deegaanku nolosha aadamaha u leeyahay, wuxuna hambalyo iyo ammaan isugu daray Wasaaradda Deegaanka oo muddooyinkii u danbeeyey ku hawlanayd hindiseyaal la xidhiidha ilaalinta iyo dhawrista deegaanka. Sidoo kale wuxu Md. Saylici u mahadnaqay cid kasta oo gacan ka gaysata dhawrista deegaanka.

Qayb ka mid ah ka-qayb-galayaashii xuska oo heesta calanka u kacay
Qayb ka mid ah ka-qayb-galayaashii xuska oo heesta calanka u kacay
Wasiiro muhiim ah ayaa Madaxweyne-Xigeenka kala qaybgalay Maalinta Deegaanka
Wasiiro muhiim ah ayaa Madaxweyne-Xigeenka kala qaybgalay Maalinta Deegaanka

 

Bandhige@gmail.com