Madaxweyne-ku-xigeenka oo safar ugu ambabaxay Itoobiya

Wefti uu hogaaminayo Madaxweyne-ku-xigeenka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Saylici ayaa safar shaqo ugu ambabaxay Itoobiya oo qaadan laba maalmood.

Weftigan ayaa ku biiriya wefti wasiiro ah oo kaga horeeya Itoobiya, ujeedada safarka Madaxweyne-ku-xigeenka ayaa ah mdi loogu gogol xaadhayo mashruuca horumarinta Berber gaar ahaan jidka la doonayo in uu isku xidho Berber iyo Adis ababa.

Madaxweyne-ku-xigeenka oo ka hadlayey ujeedada safarkiisana waxa uu yidhi:

“Aniga iyo Wefti aan hoggaaminayaa waxaaanu maanta safar ugu baxaynaa Adis abab oo aanu ku maqnaan doono muddo laba maalmood ah, safarkaasi waa safar shaqo oo wasiiro kalena way naga horeeyaan. Sidaad ogtihiina Itoobiya waa dal weyn oo aynu jaar nahay oo wax badani inaga dhexeeyaan sida dhaqaalaha, ammaanka iyo arrimaha bulshada.”

Dhinaca kale Madaxweyne-ku-xigeenka oo wax laga waydiiyey arrimaha saami qaybsiga Golaha Wakiilada oo ay hore diidmo ugu muujiyeen xildhibinaada Gobolada Galbeed ayaa waxa uu yidhi:

“Arrintaasi xukuumaddu Qaranka ayey ugala siman tahay, arrintaas baarlamaankuna waa arrin talo Qaran u baahan, xildhibaanadduna meel ma tagin ee cabasho ayuun bay muujiyeen, mar walba jiri jirtay oo la leeyahay saamiga ha loo kordhiyo. Arrintani waxay noqonaysaa talo Qaranka u taal goleyaasha qaranka sidii hawshaas looga gudbi lahaa, xeerkuna waxa uu hor yaal Golaha Wakiilada markaa marka doodiisu bilaabanto iyo haddii dusha lagaga wada hadli lahaaba waa arrin maanta qaydhin oo aan laga hor dhici Karin.”

Dooda saamiga qaybsiga xubnaha baarlamaanka ee Gobolada ayaa dooda xasaasiga ee wakhti xaadirnkan horyaala Golaha Wakiilada.

bandhige@gmail.com