Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Puntland, Cabdixakiim Cabdilllaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa socdaal ku yimid degmada Buuhoodle ee Somaliland, halkaas oo muddooyinkii dambe uu ka jiray xanuuno galaaftay nolosha dad badan. Xanuunka Shuban-biyooka oo ka dhashay abaartii ka jirtay degmada ayaa khatar geliyay nolosha dadka la diifaysan abaaraha. Camay iyo weftigiisa ayaa socdaalkooda ku sheegay in ay gacan ka gaysanayaan u gargaarida bulshada tabaalaysan. Waxaanu ku faanay mar kale in ay Puntland ka taliso magaalada Buuhoodle islamarkaana aanay Somaliland iyo Khaatumo midna saamayn ku lahayn.
Weftiga Camay oo ku hakaday shalay degmada Burtinle ayaa saxaafadda Puntland u sheegay in ay gargaar u wadaan dadka tabaalaysan, iyagoo markii ay Buuhoodle soo gaadheen ku dooday in ay bulshada wax badan u qabteen “Dawo waa sidna, Raashin faro badan waa sidna, wax badan ayaan sidna runtii oo ilaa 1500 qoys waxbaan gaadhsiin doona,” Sidaas waxa yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Camay.
Kaalmada ay sidaan ayuu carrabka ku dhuftay inay tahay mid ay gacan ka gaysteen hay’adaha ka jira Puntland gaar ahaan Al-Minhaaj. Wuxuu xusay in xukuumadda Garoowe mar kasta ka warqabtay xaaladda degmada Buuhoodle, isagoo shacabka ugu baaqay inay ka qayb qaataan caawinta dadka tabaalaysan ee la daalaa dhacaya xaanuunkaas.
Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo ka soo jeeda Buuhoodle ayaa muddooyinkii u dambeeyay siyaasad ka dhex raadinayay kaalmada bani’aadanimo ee la gaadhsiinayo dadka abaaraysan. Xogaa dawo ah oo laga keenayay Xamar iyo dhakhaatiir Maraykan ah oo xaaladda Kormeeraysay ayuu isku duubay ilaa ay soo maraan in aanay tagi Karin Buuhoodle, waxaanu kooxda reer Maraykan oo wadatay diyaarad Itoobiya leedahay ku khasbay in ay Garoowe ka degto isagoo ku dooday in cid aan amarkiisa haysan aanay tagi Karin Buuhoodle, islamarkaana uu isagu ka taliyo.
Wasiirka caafimaadka Somaliland Mr Xaglotoosiye ayaa dhawaan Buuhoodle ka sheegay in aanay wax gurmad ah ka hayn maamulka Garoowe islamarkaana ay degmada Buuhoodle u furan tahay cid walba oo xaaladda xannuunka iyo abaarta ah gacan ka gaysanaysa.
Xigasho: Warsugan