Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Oo Gaadhay Magaalada Ceel-afweyn Ee Gobolka Sanaag Halkaasi Oo Ay Ka Furmi Doonaan Shir-weynaha Nabadaynta Beelaha Walaalaha Ah Ee Dirirtu Ku Dhexmaraysi Degaanka Ceel Afweyn Ee Gobolka Sanaag

 

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa  gaadhay magaalada ceel-afweyn ee gobolka Sanaag,halkaas oo ay laba beelood ku dhexmaraysay muddooyinkii u danbeeyey colaadaad gaamurtay oo deegaankaasi ka taagnayd.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo salaadiin tiro badan ayaa madaxweyne ku-xigeenka kusoo dhaweeyay magaalada ceel-afweyn.

Madaxweyneku-xigeenka ayaa kulan ballaadhan la qaatay madax dhaqameedkii ka kala yimi guud ahaan gobolada Somaliland ee nabadgelyada u joogay Ceel-afweyn hadalo kooban oo uu madax-dhaqameedka u jeediyay madaxweyne ku-xigeenku ayuu ku yidhi “Arrinta aynu u soconaa waa arrin nabad-galyo,waxaynu u baahan nahay in wax kasta oo ay inagu qaadanayso aynu nabadgelyo dhex-dhigno dadka walaalaha ah ee deegaankan, waa dad walaalo ah oo aanay waxba u kala soocnaynayn, hadana waa nasiib daro dagaalka dhex marayaa, hawshaas waxaynu u galaynaa sida ugu fiican”

Sidoo kalana waxa uu madaxweyne ku-xigeenku kulan la yeeshay culimada ugu caansan gayiga Soomaalidu degto oo magaalada ceel-afweyn u jooga sidii ay u xoojin lahaayeen dadaalada nabadgelyo ee ay xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ka waddo deegaanadaas, culimada ayaa ballan qaaday inay si daacada u gali doonaan hawlaha nabadaynta deegaankaasi.

bandhige@gmail.com