Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Oo Safar Shaqo Ku Tegay Gobolka Daadmadheedh Soona Kormeeray Waxqabadka Mashruuca JPLG

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ku guda jira kormeerka sannadlaha ah ee mashruuca JPLG, ayaa gaadhay Magaalada Oodweyne ee Xarunta Gobolka Daad-madheedh waxaana uu kormeer indho indhayn ah ku tegay waxqabadka sannadkan ee mashruucaasi islamarkaana ay fulisay Dawladda hoose ee Oodweyne, waxaana uu Madaxweyne ku xigeenka iyo waftigiisu kormeer ku tageen Cusbitaalka Oodweyne, isla halkaasna uu ku dhagax dhigay qeyb cusub oo lagu kordhinayo dhakhtarkaasi weyn ee Oodweyne, dhanka kale waxa uu dhagax dhigay Waddo 1KM ah oo magaalada dhexdeeda ah taasi oo ay dhisi doonto Dawladda hoose ee Oodweyne.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ka hadlay munaasibad lagu qabtay gudaha xarunta dawladda hoose ayaa waxaa uu hambalyo iyo bogaadin u diray  golaha deegaanka ee Oodweyne sidoo kalana waxa uu kula dardaarmay inay adeegyada aasaasiga ah xooga saaraan waxaana uu yidhi “Waxaan runtii aad iyo aad ugu hambalyeynayaa dawladda hoose ee Oodweyne, Maayirka iyo golihiisa deegaanka shaqaalihiisa siday u raaceen wixii la baray iyo aqoontii la geliyey iyo inay maanta fahamsan yihiin siday dadkooda wax u gaadhsiin karaan iyo siday adeeg ugu qaban karaan, wayna muuqataa isbedelka uu sameeyey ujeedada intaas oo sannadood hawsha loo waday ee dhaqaalaha loo gelinayey waxay ahayd in dadka aqoonta laga dhiso”