Madaxweyne-Ku-Xigeenkii Burundi oo baxsaday

Gervais Rufyikiri oo ka mid ah madaxweyne-ku-xigeennada waddanka Burundi ayaa ka cararay waddankiisa ka dib markii mudaharaad is-daba-joog ah oo rabshado wataa ka soconayeen Bujumbura laga soo bilaabo 25 Abril markii Madaxweyne Pierre Nkurunziza ku dhawaaqay inuu mar saddexaad isu soo taagayo doorashada madaxweynenimo.

Gervais Rufyikiri ayaa lagu arkay xero qaxooti oo ku taalla Biljamka laba maalmood ka dib markii uu madaxweyne Nkurunziza ugu baaqay inuu ka tanaasulo musharaxnimada madaxweynenimada xilliga saddexaad.

“Danta shacabka Burundi ka horraysii dantaada shakhsiga ah, kana noqo go’aankaaga aad marka saddexaad isugu soo taagayso doorashada madaxweynenimo waayo waxay ka hor imanaysaa dastuurka”  ayuu yidhi Gervais Rufyikiri oo farriin u diray madaxweyne Pierre Nkurunziza warqad qoraal ah.

Ka dib markii lagu arkay xero qaxooti oo Biljamka ku taalla Gervais Rufyikiri wuxu telefishanka France 24 u sheegaywaan in uu isaga soo cararay dalkiisii  maadaama aanu taageeri karayn go’aanka Nkurunziza oo sida uu hadalka u dhigay ah mid baal marsan doonista shacabka Burundi.

Wararka laga helayo caasimada Burundina waxay xaqiijiyeen warqadda uu Gervais Rufyikiri u gudbiyey madaxweyne Pierre Nkurunziza ee joogitaankiisa waddanka Biljamka.

Rabshadaha ka socday Burundi waxay bilaabmeen ka dib markii madaxweyne Nkurunziz musharaxnimada marka saddexaad ee muranka dhaliyey.

Hoggaamiyeyaasha mucaaridka Burundi ayaa ku tilmaamay talaabada madaxweyne Nkurunziza mid dastuurka kasoo horjeeda iyo xad gudubna ku aha heshiishyadii nabada lagu soo afjaray dagaaladaii sokeeyey ee 13 sanno socday.

Doorashada baarlamaanka Burundi waxa ay dhici doontaa 29 Juun ta madaxtooyaduna 15 July sannadkan. Sidaasna waxa hor ugu dhawaaqay Madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza. Hase ahaatee waxa diiddan mucaaridka, sidaas daraadeed lama saadaalin karo sida ay wax u dhici doonaan.