Madaxweyne-Kuxigeenka Cabdiraxmaan Saylici ayaa kormeer kedisa ku tagay ceelasha biyaha Botor iyo biyo-gelint Wajaale

Madaxweyne-xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay weheliyaan Wasiirka Ganacsiga Dr Muuse Qaasim Cumar iyo Xildhibaano katirsan Golaha Wakiiladda ayaa booqasho kedis ah ku tagay Gobolka Gabiley, waxayna soo kormeereen ceelasha biyaha botor oo magaaladda Gabiley biyuhu uga yimaadaaan iyo ceelal cusub oo laga qodayo si Wajaale loogu jiigo biyahaas.

Sidoo kale weftigan uu hoggaaminayey Saylici waxay soo kormeereen mashruuca biyo galinta Wajaale oo hada maraya Kalabaydh.

Madaxweyne-xigeen Saylici oo ka hadlay kormeerkiisa ayaa waxa uu yidhi:

“Iyadoo ay xiligan jirto abaaro baahsani guud ahaan Gobolada Galbeed ayaa waxaa u soo baxay kormeerkan aan ku tegay ceelasha biyaha deegaanka Gabiley iyo ogaanshaha xaalada nololeed ee bulshada. Hay’dihii ku shaqada lahaana wey keeneen Warbixintoodii abaarta baahsan ee ka jirta Goboladda Galbeedka, wixii intaa ka danbeeyaana waa sidii wax loogu qaban lahaa.” 

Waxa kale iyaguna hadalo kooban ka jeediyey Maayarka Gabiley Maxamed-Amiin Cumar Cabdi iyo Guddoomiyaha Gobolka Mustafe Shiine oo ka war bixiyey oo dhammaantood ka war bixiyey xaaladaha abaarta ka jirta Gobolka Gabiley.

Gabagabadii waxa uu Saylici kulan la qaatay Salaadiinta iyo Odoyaasha Gobolka Gabiley oo uga xaal waramay xaaladda guud ee Gobolka.

Kormeerkan ayaa imanaya goor uu Madaxweyne Siilaanyo iyo wefti uu hoggaaminayaa kormeer ku marayaan Goboladda Bariga.

bandhige@gmail.com